saamiggal
(m.l) (-llo, m.dh)

(xis.) Isgarabdhigidda laba ama dhawr saami. Haddii, tusaale ahaan, a, b, c ay yihiin saddex tiro oo ay a:b:c = 2:3:5, warkaa a/2, b/3, c/5 waxa la yiraahdaa waxa ay saamiggal u yihiin 2, 3, 5, xiriirkuna waxa loo muujin karaa a=b=c. Sidaa oo kale, waxa aan oran karna a:b = 2:3, b:c = 3:5, iyo a:c = 2:5.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saamiggal

xaddi leeb [m.l] (-iyo ..., m.l)
Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kay-naanka keynaan xagleedka, xoogga iwm xad-di leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.

histoogaraam [m.l] (-mmo, m.dh)
(xis.) Muujin garaafeedka ee 'data'kooxaysan, ama garaf bedeed leh ballacyo saamiggal la ah doorsoomaha ku yaalla dhidibka jiifa iyo rakaadyada ku yaalla dhidibka taagan.

isu'eg [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.

itaal [m.l]
(fiis.) Summad 'I'(jabaq). Dhakhsaha ay tamarta jabaqda ku dhexmarto halbeeg bed ah oo ku ligan foolkabaahidda hirarka jabaqda. Itaalku waxa uu saamiggal quman la yahay laba jibaarka qotonka gariirka hawada. Halbeegga taalka waa desibal. b) eeg itaalka birlabeed. t) eeg itaalka danabka. j) eeg itaalka iftiimeed.

xeer fal-cuf [m.l] (-rar ..., m.l)
(kiim.) Marka heerkulku ma doorsoome yahay, dhakhsaha falgalka kiimikaad wuxuu saamiggal qum-man ku yahay cufka firfircoon ee falga-layaasha, cufka fifircoon waxaa loo qaatay ribnaanta mool/dm.3 falgalka soo saara A+B, xeerka fal cuf wuxuu sheegayaa in dha-khsasha = K A iyo B halkaas oo A iyo B ay u taaganyihiin ribnaanta A iyo B ee mool/dm.3.

xeerka danab-soocidda Faaradhay [m.l]
1. (fiis.) Xeerka 1aad ee danab soocidda Faaradhay: cufka walax ee soocanta, marka ay danab soociddu socoto, waxa uu saamiggal qumman la yahay inta kuulam ee dhexmarta gudbiye milmaha. 2. (fiis.) Xeerka 2aad ee danab socidda Faradhay: haddii xaddi danab oo isku mid ah la dhexmariyo gudbiye milmayaal kala duwan muddo go'an, cufafka walxaha kala duwan ee soocma waxa ay saamiggal qumman la yihiin culeys atameedyadooda oo loo qaybiyey saldanabka ayoonka sida qulqulka danabka.

xeerka Jaarles [m.l]
(fiis.) Mugga neef engegani waxa uu saamiggal qumman la yahay heerkulku Kelfin, marka cadaadisku yahay madoorsoome.

xeerka Kuulam [m.l]
(fiis.) Xoogga ka dhexeeya saldanabka laba barood oo isku jira fogaan r (mitir) ahi waxa uu saamiggal qumman ku yahay tarenta saldanabyada q_1q_2 iyo rogaalka labajibbaarka fogaanta u dhexeysa.

xeerka 2aad ee Niyuuton [m.l]
(fiis.) Dhaqsaha isbeddelka dahfad ay walaxi leedahay wuxu saamiggal ku yahay xoogga falaya, waxa ayna qaadataa jihada xooggu u falmayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg