saan
(m.dh) (-aamo, m.l)

1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saan

jaamuus [m.dh]
1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

jaanqaad [m.l]
1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. ld jaanqaadid.

jaanqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho.

saamisuge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
1. Qof meel xoolo lagu saanyanayo yimid oo in wax la siiyo sugaya. 2. Qof mashaqayste ah oo mar walba in wax la taro sugaya.

saamiyid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saami². ld saanyid.

saanac [m.l] (-cyo/-ciin, m.dh)
Qof farsamo yaqaan ah.

saanad [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-do, m.dh)
Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; ra-saas.

saanahasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saanaho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg