saanyo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-yaday, -yatay)

Hanti saami ku qaybsasho. ld saanyoo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saanyo

saanyasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saanyo. ld saanyood.

saanyoo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ooday, -ootay)
ld saanyo.

saanyood [m.l]
ld saanyasho.

carcarsaanyo [m.dh]
ld carsaanyo.

carsaanyo [m.dh]
Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. ld carcarsaanyo.

carsaanyow [m.l]
(daaw.) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.

saan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg