sud
(m.dh)

1. Waddo yar oo dhex marta geedo bahalla galeen ah. 2. Dhul dhir dhaadheer oo ciriiri ah leh oo aan la geli karin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sud

naasacelis [m.l] (-syo, m.l)
Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.

culays-isudhigan [m.l]
(kiim.) Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay “awoodda ku-darsamidda” ee walaxda.

garaam-isudhigan [m.l] (-mmo ..., m.l)
(xis.) Culays isudhiganka walaxi leedahay oo lagu tibaaxay garaamy.

isudaran [m.l]
(nax.) Labo curiye oo aan is qaban karin oo midba midka kale aan u oggolaanayn in ay iskula jiraan hal meel.

isudduwe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
ld iskudduwe.

isudhigan kiimikeed [m.l] (-dyo, m.dh)
culays-isudhigan.

lammaane [m.l]
(nax.) Erey ka kooban labo erey ama in ka badan oo kala duwan, yeeshana micno cusub. Tus. “dhul + bare -> dhulbare”. Lammaane = la iyo maan halka e-da danbena ay tahay mid sheegaysa adkaanshiyo sida wax isku naban, isku sudkan. Tusaale: “Waa baahi ka dhaxeysa laba shakhsi si ay isku dhameystiraan” lamaane

sudeef [m.l] (-fyo, m.dh)
Sabool.

sudeex [m.l]
Laqanyo.

s [m.dh]
(sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg