suran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Wax meel laga lulay ahaansho. 2. Isa s.: laba shay wax siddooyinkooda lays dhexgeliyey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suran

khafiyad [m.dh] (-do, m.l)
Garaangar yar oo wareegta oo leh meel xariggu galo, oo ceelka korkiisa suran, dalowgana lagu soo jiido.

liilliiji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax meel suran oo adag ruxruxid. ld liiqliiqi.

shakaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iwm looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.

surayo [m.dh]
Weelasha miyiga laga isticmaalo, inta siddada leh oo meel la suran karo.

surnaan [m.f.dh]
eeg suran. ld surnaansho.

sur [m.l] (-rar, m.l)
Luqun; qoor.

sur [m.dh]
Malabka dhurduhu sameeyo.

sur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax siddo leh meel ka soo laalaadin. 2. Isa s.: laba shay siddooyinkooda is dhexgelin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg