suuro
(m.l)

Isyeelyeel, kibir iyo meelmaag naagaha iyo carruurtu muujiyaan.

suuro
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-rtay, - ratay)

Badar dhagax, qashin iwm ka saarasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suuro

casuuro [m.dh]
Midab casaan xigeen ah.

qayb-xareedayn [m.dh] (-bo ..., m.l)
(kiim.) Hab xareedayn ah oo la sameeyo iyada oo la isticmaalayo dhuun fidsan oo ku qotonta dhalada xareedaynta. Habkani wuxu suurogelinayaa in hoorarka loo kala sooco qaybo heerka bididdoodu kala duwantahay laguna ururiyo herkullo kala geddisan.

suurasho [m.f.dh]
eeg suuro².

suuroo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Fal isjejebin iyo islaweeyni ku jirto muujin (haween).

suuroobid [m.f.dh]
eeg suurow². ld suurtoobid.

suurood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg suroo.

suurow [m.]
Awood. ld suurtow¹.

suurow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax dhici kara noqosho. ld suurtow².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg