suus
(m.l)

1. (-sas, -m.l) Weel qiyaasi ku taal oo badarka iyo wixii la mid ah lagu beego, lagu cabbiro. 2. Bahal yar oo badarka gala oo cuna.

suus
(m.l)

(daaw.) Bololid iyo jajabid ilko ama lafo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suus

jaasuus [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.

jaasuus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. ld jaajuus².

jaasuusid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaasuus². ld jaajuusid.

jaasuusnimo [m.dh]
Jaasuus ahaansho. ld jaajuusnimo.

taallaxusuuseed [m.dh]
Taallo wax lagu xusuusto.

taarsuus [m.l]
(c.nafl.) Toddobada lafood ee yaryar oo sameeya xubin isgoyska u dhexeeya lafta dheer ee lugta iyo lafaha faraha cagta.

afdheere [m.l]
Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

beeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Suus, madaal, shood iwm wax ku miisid. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosi. beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.) m.l (fiis.) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).

bulumbulyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cayayaan yar, u eg suuska badarka gala oo qoryaha dhuuxooda burburiya; xar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg