suusac
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

ld suusuc¹.

suusac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)

ld suusuc².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suusac

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

dhay [m.dh]
1. Dh. ah: caano markaa la lisay oo aan weli suusacin. 2. Dh. ah: badar saafi ah oo sabuulkii laga sukulay. ld dhaay.

dhuun [m.l]
1. Caano si aad ah u suusacay. 2. Malax. 3. Dh.kayga, dh.kaaga iwm: naftayda, naftaada iwm.

galasac [m.l]
Caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon.

galasac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Caano heer ay dhaynimadii ka tegeen, suusacna aanay noqon gaarid.

mayac [m.l]
1. Caano dhaynimadii ka tegay suusacna aan gaarin. 2. Kibir. ld manyac¹.

suusaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld suusuci.

suusacid [m.dh]
ld suusucid.

suus [m.l]
1. (-sas, -m.l) Weel qiyaasi ku taal oo badarka iyo wixii la mid ah lagu beego, lagu cabbiro. 2. Bahal yar oo badarka gala oo cuna.

suus [m.l]
(daaw.) Bololid iyo jajabid ilko ama lafo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg