taabasho
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg taabo. ld taabad. taabad, taabo

taabasho
(m.dh)

(daaw.) Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabad

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taabasho

taabad [m.l]
ld taabasho¹. taabasho

bilbil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Biyo iwm meel sida dhibcaha roobka ugu furdhin. 2. Gabar taabasho.

daar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.

daaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo,telefishan iwm). 2. Qof tartiib u taabasho.

dheji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: wax dab ku taabasho. 3. Ku dh.: cid wax cunaysa ku ileyn (qof). 4. Isku dh.: cid kale isku dawdarid (qof). 5. ld dhaji.

dhunko [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-kaday, -katay)
Bushimaha cid kale ku taabasho kalgacayl ama xurmo awgeed.

fajee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-jeeyay, -jaysay)
1. Wax faraha ku taabasho. 2. Wax faraha ku daliigid.

toqli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof meel uu ka xanxantoonayo ka taabasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg