taageer
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Qof wax tarid ama kaalmayn. ld teegaar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taageer

yabooh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin.

taageere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof wax ayida ama taageera; ayidsane. ld teegaare.

taageerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taageer. ld taageero, teegaarid, teegaaro.

taageero [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld taageerid.

waafaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Arrin jirta arrin kale haleelid. 2. Ku w.: hadal cid kale tiri ku raacid ama taageerid.

ansaar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.

asaas [m.l] (-syo, m.dh)
1. Bilowga wax la samaynayo ama la dhisayo; sal. 2. Marka dhagaxa, ama bulkeetiga, iyo wixi la mid ah dhulka lagu aaso si ay u xajiyaan ama u taageeraan dhismaha derbiga. 3. Wax walxaha taageera ama xejiya ama mid ay ku aasaasmeen.

ayid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Arrin, figrad iyo go'aan taageerid.

caawi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay;-iyi)
Cid kaalmo ama taageero u fidin. ld cawi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg