taagid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg taag².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taagid

gaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof dagaal ku jira ul iwm u taagid. 2. Dareera xoog meel ugu shubid.

waabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku gabbado u taagid; baacin. baacin

baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.

haaneedis [m.dh]
Haaneedka iska taagid oo lisid (geel). ld haaneedid. haaneedid

yuuq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Cid wax ku taagid.

aloog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Rabsho, dagaal iwm abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.

baaltaagid [m.f.dh]
eeg baaltaag². ld baaltaag¹.

cirbataagid [m.f.dh]
eeg cirbataag². ld cirbataag¹.

ciridhiib [m.l]
Isku taagidda faraha lugaha iyaada oo cirbaha kor loo qaadaayo. ld cirbadhiib.

taag [m.l] (-gag, m.l)
1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.

taag [m.dh]
1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro.

taag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg