taago
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dhul yara sarreeya. ld taag (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taago

taag [m.l] (-gag, m.l)
1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.

dakhal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Tiir dheer oo qori ah ama bir ah oo doonyaha iyo maraakiibta dhexdooda laga taago oo farnaanka iyo shiraaca celiya. 2. Qar hoos u dheer.

figle [m.l]
Kor u taaggidda wadaan biyeysan si xoog iyo xeelad leh kor loogu taago.

hanqaltaag [m.l]
1. Si wax fog loo arko hanqalka oo kor loo taago. 2. Wax aan helitaankoodu sahlanayn oo la higsado.

mawqif [m.l] (-fyo, m.dh)
Go'aan cad oo uu qof iska taago arrin adag. ld mowqif.

qataar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qori yar oo albaabka hoos looga xiro; handaraab. 2. Bir xoog leh oo qoryaha iyo dhagxaantaba lagu jajebiyo. 3. Q. ah: baabuur aad u duugoobay oo kala daadsan laakiin socda. 4. Nooc sixirka ka mid ah oo inta geed musmaar lagu taago isla markiiba qofka la sixraayo xanuunsada.

salaan [m.dh]
1. Ereyo laysu jeediyo ama gacanta oo si gaar ah laysugu taago marka laysu yimaad ama la kala tegayo, iyadoo laysu muujinayo kalgacal. 2. Bartanka wejiga fardaha, lo'da iwm.

waqdhis [m.l]
Dhismo meel laga taago oo lagu xusuusanayo qofdhintay oo qabrigiisu meel kale ku yaal.

taa [mu.ti.dh] (kuwaas, w)
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1)

taa [dk.ti.dh] (-taa)
eeg taas².

taa [dk.lh.dh] (-taa)
ld taada².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg