taagso
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-saday, -satay)

1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taagso

taagsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taagso. ld taagsad, taagsi.

cirbataagso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.

taag [m.l] (-gag, m.l)
1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.

taag [m.dh]
1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro.

taag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg