taaj
(m.l) (-jaj, m.l)

Qalab qaab koofiyadeed leh oo dahab, lacag iwm ka samaysan oo boqorrada madaxa loo suro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taaj

taaj-belel [m.l] (-llo, m.dh)
(c.fal.) If ku wareegsan qorraxda oo laga arki karo girgirka madow ee dayaxa marka uu dhaco dayax madoobaad buuxa.

taaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof ama wax meel istaajin.

taajin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taaji. ld taajis.

taajir [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-rro, m.dh)
T. ah: qof maal ama hanti badan leh.

taajir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Maal badan yeelasho.

taajirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taajir².

taajirnimo [m.dh]
Faajir ahaansho.

taajis [m.l]
ld taajin.

astaajir [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-rro, m.dh)
Awr badan oo isku xiriirsan oo xamuul sida.

ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1)

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg