taallo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taallo

uurkutaallo [m.dh]
Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.

uurkutaalloo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Uurkutaallo dareemid.

uurkutaallood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg uurkutaalloo.

beerkutaallo [m.dh]
ld beerkutaal.

cirtaallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Tuuryo kor loo gamo oo meel fog la gaarsiyo.

dhextaallo [m.dh]
ld dhextaal.

iskutaallo [m.dh]
Shanshada iyo bowdada ama tagoogda iyo cududda ee nafleyda.

kulannada Kaartis [m.l]
(xis.) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaa-leyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.

tamar-keyd [m.dh]
(fiis.) Summad: Ep. Tamarta ku keydsantay walax, uguna wacantahay meesha ay taalo, waxaana ay le'egtahay hawsha ku baxday walax ka dhaqaajinta bar beegaal (sida oogada dhulka) ilaa meesha ay hadda taallo. Waxaa lagu helaa Ep = mgh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg