taas
(mu.ti.dh)

(kuwaas, w) ld taa¹.

taas
(dk.ti.dh) (-taas)

Dibkabe tilmaame oo magac dhaddig dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Beertaas waa tayda”. ld taa².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taas

taa [mu.ti.dh] (kuwaas, w)
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1) taas

taa [dk.ti.dh] (-taa)
eeg taas². taas

ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.

caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).

ubbo-ubax [m.dh] (-xo, m.dh)
(bot.) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.

naadir [m.l]
(juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.

kaaha-altaratyolet [m.l] (-tyo, m.dh)
(fiis.) Kaahinta birlabdanabeed ee hirbaacoodu u dhexeeya kan midabka cinab sare iyo fallaadhaha-x (x=egs), taas oo ah inta u dhexeysa 400 naanomitiri (nm) iyo 4 naanoomitiri (nm).

laacayaal [m.dh]
(bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.

laaf [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.

ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1)

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg