takhtar
(m.l) (-rro/-khaatiir, m.dh)

Qof aqoon u leh cilmiga daaweynta. ld dhakh-tar.

takhtar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Cid daawayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh takhtar ↴

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

aqoonta ummulinta [m.dh]
(daaw.) Qayb ka mid ah cilmi takhtareedka oo ku saabsan xanaaneynta dumarka inta ay uurka leeyihiin, marka ay dhalayaan iyo lix toddobaad oo ku xigta xilliga dhalmada marka xubnaha taranku ay dhibaato baxayaan.

arag-dhowaadka [m.l] (-rgo ..., m.l)
(daaw.) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.

biresbiyobiya [m.dh]
(daaw.) Dhibaato lagala kulmo akhriska caadiga ah iyo fulinta hawlo dhow oo ay keento hoos u dhac xagga aragga oo da'du keento, taasoo ishu ayan awoodin in ay beddesho qallooca birta isha si ay faseex ugu aragto wixii u dhow. Sababta middaas waxay tahay ayadoo marba marka ka dambeysa ay lumeyso awood jiitimaadka birta isha (lens) sidaas awgeed qallooceedu ma beddelmi karo marka si fiican ugu muuqan mayaan wixii u dhow. Waxa lagu saxa muraayadaha indhaha oo uu takhtar kuu qoro.

bisturi [m.l]
(daaw.) Middi yar oo takhtarku u isticmaalo qalliinka, lehna af qalloocan ama af toosan.

bukaan-wareysi [m.l]
(daaw.) Wareysiga bukaanka oo uu takhtarku ka qoro, kana kooban: a) war bukaan qoyseed; b) war bukaan qofeed; c) war bukaan cudur hore; d) war bukaan cudurdambe.

cudur-aqoonsi [m.l]
(daaw.) Aqoonsiga cudur oo uu takhtarku ku gaaro: wareysiga bukaanka, astaamaha cudurka iyo baaritaan sheybaar iyo raajo iwm.

dhakhtar [m.l]
ld takhtar¹.

dhakhtarnimo [m.dh]
ld takhtarnimo.

doktoor [m.l] (-rro, m.l)
1. Takhtar. 2. Qof shahaado jaamacad laga bixiyo tan ugu sarraysa haysta. ld dotoor.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg