taki
(m.l)

ld kati.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taki

kati [m.l] (-iyo, m.dh)
Bir af dhuuban oo waranka gadaal laga gesho. ld taki.

mushtaki [m.l] (-iyiin, m.dh)
Qof dacwo qaba.

waran [m.l] (-rmo, m.l)
Qalab lagu dagaallamo oo ka samaysan bir ballaaran oo labada dhinac af ku leh iyo caarad dhuuban, ul xooggan iyo taki.

ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1)

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg