takoor
(m.dh) (-rro, m.dh)

1. Wax gardarro lagu qaato ama lagu doono. 2. Inta kale wax ka baxsan, ka soocan. 3. vr. takoorid.

takoor
(m.l)

(bul.) Hab lagu kala kaxeeyo dad kala jinsi, diin, midab, iwm.

takoor
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Qof dad kale ka soocid jirro ama sabab kale awgeed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh takoor

faquuq [m.l]
1. Takoor; karatiil; karaantiil. 2. ld faquuqid.

faquuq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Wax ama qof takoorid.

faquuqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
Nafley intii ay la nooleyd wax ka takooran ahaansho.

fongor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid takoorid. 2. Wax dalool u yeelid.

harimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Cuntada harkii la cuno; qado. 2. Wax jirro awgeed loo takooro.

karantiin [m.l]
1. Meel lagu takooro nafley cudur halis ah qabta. 2. K. ah: nafley cudur halis ah qabta oo meel lagu go'doomiyay. ld karantiil.

midabfaquuq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Cid midabkeeda ku takoorid. ld midabtakoor².

midabtakoor [m.l]
1. (fals.) Falsafad xun oo dadka midab midab u kala soocda oo isku dirta intà gun iyo gob ka kala dhigta. 2. (siyaa.) Hab siyaasadeed oo lagaga dhaqmi jiray koonfur Afrika, kaasoo dadka lagu kala soocoyo sharci ku dhisan midabtakoor. ld midabfaquuq¹.

midabtakoor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid midabkeeda ku faquuqid. ld midabfaquuq².

midabtakoorid [m.f.dh]
eeg midabtakoor². ld midabfaquuqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg