talo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsaan lahaa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh talo

qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.

raargogol [m.l]
Raar si gaar loo sameeyo oo loogu talo galo in la goglado.

waano [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Hadallo talo ah oo cid loo jeediyo iyadoo wax lagu faraayo ama wax looga reebaayo.

xaajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Arrin; xaal; talo.

arrimi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.

card-alxaal [m.l] (-llo, m.dh)
Baryo, tuugmo; arji, codsi, talo.

fadhi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid.

gacansayr [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ku g.: talo, amar iwm si qayaxan u diidid.

geeddan [m.l]
Col yar oo ka dambeeya colka weyn oo loogu taloggalo inuu celiyo cadowga gadaal ka imanaya; raacdaree.

gola-la-taliyaasha [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(siyaa.) Koox dad ah oo la magacaabay ama loo xushay talo bixinta, sharci dejinta ama qorshe samaynta.

ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1)

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg