taraar
(m.l) (-ryo, m.dh)

1. Bowd si aad ah ood loogu adkeeyay. 2. Jibaax; jiiris. 3. ld taraarid.

taraar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Wax si xoog ah meel u jiirid; u jibaaxid, u dardarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taraar

wabaxtaraar [m.l]
Neefka biyaha ka dherga oo iska dhaqaaqa.

madaxshub [m.l]
1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.

mataraariye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Nooc ka mid ah buntukhda ciidammo oo leh labo addin, si darandorri ahna u dhaca; boobe.

sheex [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-xay, -xday)
1. (f.g) Wax dhex taraarid. 2. (f.mg) Xishood dareemid.

sibiibixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax meel siman ama qoyan ku taraarixin.

taraarax [m.l]
ld taraaraxid.

taraarax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
1. Sidbasho. 2. Wax xadkoodii dhaafid.

taraaraxid [m.f.dh]
eeg taraarax². ld taraa-rax¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg