turub
(m.l)

Xaashiyo cayaaro badan oo kala jaad ah lagu cayaaro oo afar cuntub u qaybsan: hadhiin, dheemman, karaawil iyo isbig.

turub
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rbay, -rubtay; -rbi)

Turub cayaarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh turub

raabac [m.l]
Qof buuxiya kaalin cayaar turub oo maran.

raabac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Kaalin ciyaar turub oo maran buuxin.

raabacad [m.dh]
Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.

haad [m.l]
1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.

faal [m.l]
Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.

jaawi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. ld farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).

jaawo [m.dh]
1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.

raani [m.dh] (-iyo, m.l)
Warqad turub, ranka ka tirsan oo boqoradi ku sawirantahay. ld raaniyad.

aarbi-aar [m.l]
Qaab loo ciyaaro turubka.

baandho [m.dh]
Isku qasidda ranka iyo biigga turubka. ld baandhayn.

tur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
U tur: cid u naxariisasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg