turxaan
(m.dh)

Iin; cillad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh turxaan

faarad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.

jalbeeb [m.dh]
Sheeko iyo kaftan aan turxaan lahayn; kaftan; haasaawe.

jalbeebo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn cid u jeedin. ld jalbeebso.

jalbeebtan [m.l]
1. Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn oo laba qof iyo ka badan isdhaafsato. 2. ld jalbeebtamid.

jalbeebtan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Dad kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn isdhaafsasho.

turxaanbixin [m.dh]
Xumobixin, cilladbixin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg