tuurin
(m.l) (-inno/-imo, m.dh)

1. Qori yar oo af fiiqan leh oo hasha irmaan sanka looga mudo si ilmo loogu sidko. 2. Qori yar ooo af fiiqan leh oo timaha lagu tuuro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuurin

wareershe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
1. Xarig jeegada iyo tuurinka isu haya oo neef geel ah oo ilmo lagu sidkayo lagu xiro. 2. Suuman la qurxiyey oo fardaha madaxa loo geliyo.

tuur [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax gacanta ku gamid. 2. (f.mg) Ka t.: sharaab dhaqso u cabbid.

tuur [m.l]
1. Timaha madaxa oo inta la daayo in yar kor u dheeraada. 2. Wax meel ta tuuray qaabkiisa. ld tuul¹.

tuur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Kurus. 2. Dadka gasarku ku dhaco, qaabka dhabarkoodu yeesho.

tuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax meel tubid. ld tuul².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg