tuuro
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)

1. (f.g) Wax meel isugu geysasho. 2. (f.mg) Wax meel isugu imaasho. 3. Timaha tuurid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuuro

eebo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Nooc ka mid ah warmaha yaryar oo la tuuro. 2. Balaayo.

laancigaaleed [m.dh]
Qalab waayihii hore lagu dagaalami jirey oo inta dhagax la geliyo laga tuuro.

bambaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nooc hubka ka mid ah, qaabab kala duwan leh oo wax lagu qarxiyo marka la tuuro. ld bambo, banaano, bombo, bumbo.

bud [m.dh]
1. Ciidda la tuuro qabriga dushiisa oo calaamad u ah. 2. Iil. 3. B. soo dheh: soo bixid (qorrax, dayax iwm).

buur-sameyn [m.dh]
(jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.

fatuuro [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld fatuurad.

gefer [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. G. ah: u tuuridda xarig loo tuuro ceel dheer. 2. G. ah: fardo aan la ilaalin oo banjoog a.

halgaad [m.dh] (-do, m.l)
1. Wax sida ul, bur, qori ah oo gacanta lagu tuuro si wax loogu dhufto. 2. Tuuryo gacameed. 3. H. ah: ul weyn.

karuur [m.l]
Tuuridda alaab iwm meel la tuuro.

maddooyamaddooyo [m.dh]
Nooc ka mid ah cayaaraha carruurtu dheesha oo qori inta la tuuro iyadoo iska dhowraysa in la taabto. ld maddooyo.

tuu [Erey Dareen | Exclamation]
Juu!. ld tu'(2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg