u
(m.dh)

(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.

u
((nax.))

u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg