udo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca. saxaro

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh udo

aargudo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-utay, -udatay)
ld aargud.

budo [m.dh]
Wax aad loo daqiiqay oo bito laga dhigay.

budoobid [m.f.dh]
eeg budow². ld budow¹.

budow [m.l]
Ka hariwaayidda laga hariwaayo xaajo la bartay oo la qaayibay. ld budoobid.

budow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Ka hariwaayid wax la bartay oo la qaayibay.

fududow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-daaday, -daatay)
1. Wax fudayd noqosho. 2. Wax sahal noqosho. 3. Qof fadaq noqosho. 4. Qof wax firfircoon noqosho.

gudo [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Wax mug leh dhexdiisa.

gudo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-dday, -datay)
1. Waajib oofin. 2. Wax cid lagu lahaa ama laga tirsanayey ka goosasho. 3. Caruur buuryo ka goyn.

gudo-noqod-dhan [m.l]
(fiis.) Marka fallaadh ilays kaga dhacdo dusha dhextaal cufnaan obtikaad yar, xagal abbaar ka weyn xagal qirinqiirka, halkii ay uga gudbi lahayd dhextaalka cufnaanta yar ayay dib ugu soo noqotaa dhextaalka cufnaanta badan.

u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.

u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg