ugub
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)1. Dhul dihin oo aan weli laga xoojin; cusayb. 2. Naflay dheddig oo aan weli curan.
ugub
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gbaa, -gbayd)Wax aan weli curan ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ugub ↴
ugbaad [m.l]
1. Dhir roob ku da'ay oo baxday oo aan cidi daaqin. 2. Dhul weli ugub ah.
ugbaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ugub². ld ugbaansho.
ugubi [m.dh]
Shimbir yar oo midabkeeda bey ah oo dhulka uun ku socota.
ugubnimo [m.dh]
Ugub ahaansho.
farabbar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Neef ugub oo curtay maalis oggolaysiin.
gugub [m.l]
Cunto yar oo weelka lagu karinayo salkiisa ku dhegta; gubnood.
guumis [m.l] (-syo, m.dh)
Rati qaalin ugubi ku curatay. ld guubis.
suuraaf [m.dh]
1. S. ah: gabar inan ah oo gurigooda uga tagtay sabab la'aan; isla-wareegto. 2. S. ah: neef ugub ah oo lumid badan.
ug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Ku u.: wax dab ku qallajin.