ulajeeddo
(m.dh)

ld ujeeddo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ulajeeddo

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

laakiin [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.

ujeeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iwm. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. ld ulajeeddo.

cantar [m.l]
1. Kibir; aabi. 2. C. ah: aan ulajeeddo fiican lahayn, aan macne lahayn (hadal).

inta [Falkaab | Adverb]
1. Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya. Tus. “Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad”, “Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado”. 2. Halka, meeshaan, kobtaan.

milgo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Ulajeeddo wanaagsan, xurmo, muuno. 2. Shabaag ilo yaryar leh oo kalluunka lagu jillaabto. 3. Kal; miile.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg