ulakac
(Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb)

Samaynta fal kas iyo ogaal loo sameeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ulakac

ogaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
1. ld ogaal, ogaansho. eeg og. 2. Ulakac; kas, maag. O. buu u yeelay: kas buu u yeelay. ogaal, ogaansho, ulakac, kas, maag

bareer [m.l]
1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn; caddaan; kas. 2. ld bareerid. ld bareero.

bareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. U b.: fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.: si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama shay u wajahid.

kamma' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-a'ay, -a'day)
Kas iyo ulakac la'aan wax u samayn. ld kama'².

kas [m.l]
1. Awood maskaxeedka wax lagu kala garto. 2. Ulakac; bareer.

kas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Wax macnihiisa garasho. 2. U k.: wax ulakac u sameyn.

khushi [m.l]
Kh.gay, kh.gaa iwm: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.

qasad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Muraad; dan. 2. Fal si ulakac ah loo sameeyo. ld qasdi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg