ummad
(m.dh) (-do, m.l)

1. Dad meel wada deggan oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah. 2. Dad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ummad

ummadnimo [m.dh]
Ummad ahaansho.

xadaarad [m.dh] (-do, m.l)
Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iwm oo wada jira oo ummadi gaarto. ld xad-daarad.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

afhaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Turjubaan; afceliye. 2. Qof ku hadla magaca koox, dad, ummad iwm. ld afhayeen.

bahwadaag [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Walaalo isku hooyo ah aan isku aabbo ahayn. 2. Dad, ummad, iwm oo isgaashaanbuursi ka dhexeeyo.

bandiirad [m.dh] (-do, m.l)
Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. ld bandiiro.

biyo-goboleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(siyaa.) Jiid-badeed ku qabsan xeebta oo loo aqoonsanyahay dhul ay leedahay ummadda xeebta deggani; maritaanka jiidda ee si nabad ah caadi ayaa loogu oggolyahay gaadiidbadeedka ummadaha oo dhan.

carab [m.l]
(carab, m.dh) 1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo'da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah.

ciid [m.dh]
1. Dhulka qaybtiisa sare ee dhirtu ka baxdo oo ka samaysanta dhagxaan ay dabeel, qorrax iwm burburiyeen; carro. 2. ld iid 1. Maalin ay ummad qaddariso oo hawlaha laga nasto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg