uraa
(m.l)

Geed-quwaax ur sillan oo aad u lifaaqoon leh: ur cayayaanka iyo bahal-hoosaadka lagu laayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uraa

saac [m.l]
1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.

uraad [m.dh]
Saaca iyo waxtarka daaqu leeyahay. ld urshi.

urshi [m.dh]
ld uraad.

baalquraanle [m.l]
Nooc ka mid ah ayaxa oo baalal guduudan oo xardhan leh.

bir-ajuuraan [m.dh]
1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. ld birxaar. 3. bir 1 (3).

buraambur [m.l] (-rro, m.dh)
Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.

buraambur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Buraambur tirin. 2. Buraambur ciyaarid.

buraamburid [m.f.dh]
eeg buraambur².

buraash [m.l]
1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid.

ur [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun.

ur [m.dh]
1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹.

ur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg