ureed
(m.l) (-dyo, m.dh)

(baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ureed

cimilo-buureed [m.l]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.

daruur-buureed [m.l] (-ryo ..., m.dh)
(c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.

kulaalaha-koonfureed [m.l]
(juqr.) Barbar la-ahe lool, qiyaas ahaan 23° k, oo muujinaya dacalka ugu koonfureeya ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurka.

kureeddo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Suuqada haweenku dhegaha ku qaataan jaad ka mid ah; dhego; hilgado.

mukulaalduureed [m.dh]
(mukulaalduureed, m.l) Mukulaal duur ku nool ah.

qodaal buureed [m.l] (-dyo, m.dh)
Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg