urgun
(m.l) (-unno, m.dh)

Hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh urgun

dhurgun [m.l]
Diismidda meel jirka ka mid ah oo barartay diisanta.

dhurgun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-umay, -untay; -umi)
Meel jirka ka mid ah oo baratay diismid.

dhurgunsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax dhurgun haya ahaansho (jir).

dhurgunsanaan [m.f.dh]
eeg dhurgunsan. ld durgunsanaansho.

dhurgunsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhurgunsanaan.

hurgun [m.l]
Caalirka iyo fasaska ku dhaca meel hore u jirranayd. ld hurgumo¹.

hurgun [m.l]
(daaw.) Dhiig ku uruursamid xubin dhexdeed. Waxaana keena cadaadiska ku soo noqda xididdada dhiigga cabburidda sambabada iyo beerka waxay dhacdaa markii uu wadnuhu hawl gabo.

hurgun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-umay, -untay; -umi)
Meel hore u bugtay hoos ka caalirid.

hurgunsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld hurgumeysan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg