uri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tus. “Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uri

aabburid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aabbur aabbur

uburi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr qooqan, ubur afka ka keenid. ld aburi. aburi

uburin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uburi. ld aburin. uburi, aburin

gaaddabbuurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaaddabbuur². gaaddabbuur

jaanguuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dabar goyn.

jaanguurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaanguur.

jaanguurin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaanguuri. ld jaanguuris.

jaanguuris [m.l]
ld jaanguurin.

nabaadguuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhul nabaadguur ku ridid.

nabaadguurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaadguur².

u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.

u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg