urso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)

Wax ur leh sanka saarasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh urso

ursasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg urso. ld ursad, ursi.

ururso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax kala firirsan meel isugu keensasho. ld aruurso.

uruurso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
ld aruurso.

aruurso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax kala firisan meel isugu geysasho. 2. Wax meel yaal wada qaadasho. ld ururso, uruurso.

burburso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax is haystay ilkaha ku jajabsasho. ld bururso.

burso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax la qaybsanayo sed dheeraad ah ka qaadasho. 2. Wax cayrsasho.

bururso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
ld burburso.

duhurso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Waqtiga duhurka meel ku sugnaan.

furso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ka f.: Wax ka kaaftoomid.

ur [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun.

ur [m.dh]
1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹.

ur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg