urug
(m.dh)

Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh urug

urugo [m.dh]
Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.

urugoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Tiiraanyo dareemid.

urugood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg urugoo.

durug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rkay, -rugtay; -rki)
1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. ld duruq.

durugsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax la durkiyey ahaansho. 2. Wax fogaaday ahaansho. ld durjisan, duruqsan.

durugsanaan [m.f.dh]
eeg durugsan. ld dur- jisnaan, durjisnaansho,durugsanaansho.

durugsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld durugsanaan.

durugsasho [m.f.dh]
eeg durugso. ld durjisad, durjisasho, durugsad, durugsi, duruqsad.

durugsi [m.l]
ld durugsasho.

ur [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun.

ur [m.dh]
1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹.

ur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg