urugo
(m.dh)

Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh urugo

urugoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Tiiraanyo dareemid.

urugood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg urugoo.

murugo [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld murug² (1).

murugo [m.dh]
(c.naf.) Xaalad maskaxeed oo qofku aad u qalbi xunyahay. Dhaqdhaqaaqu wuxuu noqon karaa mid kacsan oo aan xasillooneyn ama mid gaabiya oo an firfircooneyn. Dabeecadda qofka waxa ka muuqata rajobeel iyo beelosheeg. Hurdada, cuntada iyo fakarkaba oo xumaada.

murugoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Murugo dareemid. ld murgoo.

murugood [m.f.dh]
eeg murugoo. ld murgood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg