urun
(m.l)Xarig dhuuban, dun ka samaysan oo wiilasha yaryar dhexda loogu xiro kaddib marka la gardaadiyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh urun ↴
daacaqurun [m.l]
Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹. dacwashiir
daacaqurun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². dacawashiir
burun [m.l] (-nno, m.dh)
Cad yar oo is-haysta oo ciid, sonkor iwm ah.
burunbur [m.l]
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban gudguduudan iyo caleemo yaryar oo geelu aad u jecelyahay.
burunji [m.dh]
Hilibka intiisa jiirka ah.
burunjiyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.
burunjiyeyn [m.f.dh]
eeg burunjiyee.
curun [m.l]
Xirmo xaskul, caws, mayrax iwm. ah.
furun [m.l]
1. Rooti. 2. Tinnaarka rootiga lagu dubo. ld furin¹.
ur [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun.
ur [m.dh]
1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹.
ur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid.