ururi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. ld aruuri.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ururi

xaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xaabo cunid (nafley). 2. Wax qaali ah ama wax aan qaali ahayn, urursasho. 3. Wax ururin. 4. Qashin iyo wax u eg cunid.

xaabee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysay)
Qoryo la shito ururin.

qaamuus [m.l] (-syo, m.dh)
Buug lagu ururiyey ereyo badan oo af leeyahay oo isugu xiga sida alifka u kala horreeyo, eray walbana ay ku hor qoranyihiin macnihiisa, qaabkiisa iwm.

qaaraan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
U q.: xoolo dad badan ka ururin si qof u baahan loo siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah loogu fuliyo.

raaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Nafley xasuuqid. 2. Dad khasab ku ururin.

urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.

ururid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg urur³. ld aruurid.

ururin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ururi. ld aruurin, ururis.

ururis [m.l]
ld aruurin, ururin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg