ururso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)

Wax kala firirsan meel isugu keensasho. ld aruurso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ururso

urursasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ururso. ld aruursasho.

aruurso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax kala firisan meel isugu geysasho. 2. Wax meel yaal wada qaadasho. ld ururso, uruurso.

bururso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
ld burburso.

urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa.

urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.

urur [m.dh]
Xiddigo dhawr ah oo meel isugu yimaada oo isla socda.

urur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Nafley tiro badan meel isugu imaansho. ld urursan¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg