uruur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1)

(ray, -rtay) ld aruur².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uruur

jaabajaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.

baahee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-heeyay, -heysay)
U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.

jaasuus [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.

qaaraan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
Xoolo dad badan laga uruursho oo qof u baahan la siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah lagu fuliyo ama si kale oo samafal ah loo bixiyo.

unuunuf [m.l]
Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. ld anaanuf¹.

unuunuf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. ld anaanuf².

uruuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld aruuri.

uruurid [m.dh]
ld aruurid.

uruurin [m.dh]
ld aruurin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg