uruuri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

ld aruuri.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uruuri

jaabajaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.

baahee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-heeyay, -heysay)
U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.

jaasuus [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.

uruurid [m.dh]
ld aruurid.

uruurin [m.dh]
ld aruurin.

uruuris [m.l]
ld aruurin.

uuyo [m.dh]
Meesha sagaaradu saaladeeda ku uruuriso.

wac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -wici)
1. Cid u yeerid. 2. Isu w.: cid meel ku uruurin.

aruuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax kala firirsan meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee ugu geli karo ku libdhin. ld ururi, uruuri.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg