uruurin
(m.dh)

ld aruurin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uruurin

baahee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-heeyay, -heysay)
U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.

wac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -wici)
1. Cid u yeerid. 2. Isu w.: cid meel ku uruurin.

biiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax si tiradoodu u badato uruurin. 2. Wax inta uu yahay wax kale oo la nooc ah ku kordhin.

jabqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Alaabo yaryar oo meelo kala yaalyaal isu uruurin. 2. Meel biyo yari ku jiraan marba in ka qaadasho.

luf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wax yar uruurin.

lufluf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Cunto yar oo hambo ah uruurin.

lugadduw [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-way, -wday)
Isku l.: wax kala daadsan isu uruurin.

ormaysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Wax meel isugu soo uruurin.

toob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Oogada, inta la saro, toobin dhiig kaga keenid. 2. Soo jiidid, soo uruurin; soo yarayn.

uruur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1]
(ray, -rtay) ld aruur².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg