utun
(m.dh)

Godob weyn; aano.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh utun

aano [m.dh]
Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.

dakano [m.dh] (-ooyin, m.l)
Godob, utun, dhagar. ld dakane.

godob [m.dh]
Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaa.

manaayo [m.dh]
Godob, utun.

sagan [m.dh]
Godob, utun, aano, dakano.

wiiro [m.dh]
1. Xumaan uurka la isugu hayo; utun. 2. Cayaar beeralaydu tumato oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg