uumibax
(m.dh) (-xyo, m.dh)

1. (fiis.) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiis.) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.

uumibax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday; -bixi)

Hoore la kululeeyey qiiq bixid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uumibax

uumibixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uumibax².

baraf-dhalaal [m.l]
(jool.) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.

barkarkareed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku le'egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo uumibaxu ka muuqdo hoorka dhammaantiis.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg