uunsi
(m.l)

Walxo laysku dardaray oo laysku kariyey, udgoon oo loo qiijiyo in lagu carfiyo jir, dhar ama meel; khumkhum. ld uunsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uunsi

daadduunsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
ld daadduumi. daadduumi

daadduunsiin [m.dh]
ld daadduumin. daadduumin

uunsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax uunsi lagu shiday ahaansho. 2. Wax la uumiyey ahaansho.

afjuxuunsi [m.l]
ld afjuxuunsasho.

cambarshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
1. Qalab qaab bil leh, lacag ka samaysan, shunufyo ka laalaadaan oo haweenku qoorta ku xirtaan. 2. Uunsi cambar lagu daray. 3. Nooc cambarka ka mid ah oo aan qiimo badan lahayn. ld canbarshe.

casarleged [m.l]
Nooc uunsiga ka mid ah oo aad u udgoon.

ciddi [m.dh] (-iyo ml.)
1. Cad gees la mood oo xalleefsan oo ka baxda faraha fooddooda sare. 2. Qolof libaax badeedka laga jaro oo loo shito uunsi ahaan. ld ciji, cijo, cinji.

daanduunsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
ld daadduumi.

daanduunsiin [m.dh]
ld daadduumin.

uun [m.l]
1. Wax kastoo Alle uumay. 2. Uumi.

uun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(uumay, uuntay; uumi) Eebbe wax abuurid.

uun [Falkaab | Adverb]
1. Keliya. Tus. “Carruurta uun caanaha sii”. 2. Mid kastaba ha ahaadee. Tus.”Nin uun weyddii”. 3. Mid aan cayinnayn, mid aan la garanayn. Tus. “Wiil uun baa noo sheegay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg