uuree
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-reeyay, -raysay)

1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uuree

uurayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uuree.

ammuuree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax mushkilo hayso ahaansho.

bayuuree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Cid ceeb weyn gaarsiin.

carruuree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.

cimilo-buureed [m.l]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.

daruur-buureed [m.l] (-ryo ..., m.dh)
(c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.

daruuree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Neef daruuro gelin.

guuree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Habeen socosho. ld guureggal².

mukulaalduureed [m.dh]
(mukulaalduureed, m.l) Mukulaal duur ku nool ah.

uur [m.l]
1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg