uurkutaallo
(m.dh)

Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uurkutaallo

uurkutaallaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax uurkutaallo hayso ahaansho.

uurkutaalloo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Uurkutaallo dareemid.

uurkutaallood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg uurkutaalloo.

beerkutaal [m.dh]
1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. ld uurkutaallo. ld beerkutaallo.

ciil [m.l]
Dareen uurkutaallo leh oo ku dhasha qof marka lagu sameeyo wax uusan raalli ka ahayn. ld ciifo.

ciil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
Dareen uurkutaallo leh cid ku beerid.

huq [m.dh]
1. Dareen xooggan oo murugo leh. 2. Uurkutaallo.

madoobow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-baaday, -baatay)
1. Wax midib madow leh noqosho. 2. Uurkutaallo darteed midab madow yeelasho.

murug [m.dh]
1. ld murugo 1. Uurkutaallo; caloolxumo. 2. ld murud.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg