waa1

Qaabnax: qr.dd  Isrogrogga:  

Qurub lagu muujiyo waxa laga
sheego yeelaha weerta. Tus. ‘Cali waa
yimid’;’Ninkanu waa macallinka cusub ee
dugsiga’.

waa2

Qaabnax: f.g1  Isrogrogga: (-aayay, -aayday; -aayi) 

1. Wax helid la’aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.

waa3

Qaabnax: m.l  Isrogrogga: (-aayo, m.l)  

1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli;
waqti; jeer; goor.

waa4

Qaabnax: m.l  Isrogrogga: (-aayo, m.l)  

(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo
kala aqoonsanyihiin saddex waa – aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.


La mid/macne ah | Variant/similar meaning

 naaf  

 xabagbarsho  

 alluumiiniyam  

 awal  

 birlabnimo-duleed  

 caanomaallo-isle’eg  

 dhakhsaha falgalka  

 hamsa  

 kahortagga-cudurrada  

 kays  

 kuma  

 tuma  

Ku Badal Luuqad Kale!

Ereyada la isku gaabiyay ee ‘Qaabnax’ fasiraadooda halkan ka eeg